Sooyaalka Taariikheed ee Maalinta Haweenka Adduunka 8 March
Maalinta 8da bisha March, waa maalinta loola baxay maalinta caalamiga ah ee haweenka. Sannad kasta maalintan waxaa loo dabbaaldegaa kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulsho weynta caalamka, haday tahay dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshadaba. Caalamka badankiisa waa laga xusaa. Waddamada qaar waxay doorbidaan maalintan oo kale inay dumarku u muujiyaan jacaylka ay u qabaan sida xidhiidhka hooyonimo, walaaltinimo amma xaasnimo, halka waddamada qaarna ay ka doorbidaan inay kaga hadlaan siyaasadda iyo xuquuqda haweenka.
Maalintan haweenku waxay soo bandhigaan guulaha kala duwan ee ay ka gaadheen dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo ilaalinta xuquuqda haweenka. Waxay muujiyaan cabashooyinkooga ku wajahan mushaharooyinka ay qataan, saacadaha shaqada, u sinnaanshaha shaqada iyo ka muuqashada goleyaasha qaranka.
Somaliland waxay ka mid tahay dalalka sannadahan dambe bilaabay inay u dabbaaldegaan maalinta caalamiga ah ee haweenka. Dadka qaar ayaa dhaliila, qaar kalena way difaacaan, laakiin sida muuqata dadkeenu hadday difaacaan iyo haday dhaliilaanba, wax badan kama oga sooyaalka taariikheed ee maalinta caalamiga ah ee haweenka. Goorma ayaa la bilaabay u dabbaaldegista maalintani? Yaa bilaabay? Sidee ayay ku timid? Marxalado noocee ah ayey soo martay? Maxay caalamka ku soo kordhisay? Waa su’aalo muhiim ah oo ay tahay in laga jawaabo. Taasi waa sababta igu kelliftay inaan raadiyo oo aan dabadeedna qallinka u qaato maqaalkan, oo aan ugu talogaley dadka inaan ugu iftiimiyo maalintani iyo waayaheega.
Ugu maan talo-galin inaan difaaco ama dhaliilo u dabbaaldegista maalintani caalamiga ah ee haweenka, wakhti danbe ayaan u dhigan doonaa, balse iminka shifo ku ilsaara maalintan iyo sooyaalkeeda tariikheed.
Cadaadiskii dumarka lagu hayey iyo u sinaansho la’aantii ragga iyo dumarka dhinacyadda kala duwan ee noloshu, waxay dhalisay in sannadkii 1908dii 15,000 qof oo haween ahi ay mudaharaad ka sameeyaan magaalada New York ee dalka Maraykanka, iyagoo dalbanaya saacadaha shaqada oo la yareeyo, mushaharaadka oo loo kordhiyo iyo xaqa codaynta oo loo oggolaado. maalin Axad ah 28kii February, 1909kii ayuu xisbigii Shuuciyadda ahaa ee dalka Maraykanku ku dhawaaqay maalinta haweenka reer Maraykan. Dumarka Maraykanku maalintan waxay u dabbaaldegi jireen Axadda ugu dambeysa bisha labaad ilaa laga soo gaadhay 1913kii.
Sannadkii 1910kii, magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, waxa lagu qabtay shirweyne caalami oo ay ka qaybgaleen haweenka shaqeeya oo tiradoodu kor u dhaaftey 100 qof, kuwaas oo ka kala socday 17 waddan. Gabadh la odhan jirey Clara Zetkin oo madax ka ahayd xafiiska haweenka ee xisbiga Social Democratic Party ee dalka Jarmalka, ayaa soo jeedisay in la sameeyo maalinta haweenka, oo si caalami ah loogu dabbaaldego dalalka adduunka oo dhan. Sidaas ayaana laysugu raacay maalintaasi, inkastoo aan la magaacaabin maalinta iyo bisha ay noqon doonto midna.
Iyadoo laga duulayo go’aankii laysku raacay shirkii Copenhagen ee haweenka sannadkii 1911kii waxa markii ugu horreysay si caalami ah looga dabbaaldegay maalinta caalamiga ah ee haweenka waddamada Austria, Denmark, Germany iyo Switzerland 19kii March 1911kii. In ka badan malyuuun rag iyo dumar iskugu jira ayaa ka qaybqaatay u dabbaaldega maalinta caalamiga ah ee haweenka, iyagoo u ololaynaya xuquuqda dumarku u leeyihiin inay shaqeeyaan, codeeyaan, xirfaddo la baro, xilal dawladeed loo dhiibo iyo in la dabar gooyo takoorista haweenimo. Muddo ka yar hal wiig kadib, 25kii March 1911kii, waxaa New York ka dhacday masiibadii loo loogu magac-daray “TRIANGLE FIRE,” waxana ku dhintay 140 haween ah oo wershad dharka soo saarta ka shaqaynayey, waxay nau badnaayeen Talyaani iyo Yuhuud qaxooti ahayd. Taasina waxay dadka ku soo jeedisay xaaladaha shaqadda iyo sharciyadda shaqaalaha ee dalka Maraykanka oo dhaliilo loo soo jeediyay.
Haweenka dalka Ruushku waxay markii ugu horeysay u dabbaaldegeen maalinta caalamiga ah ee haweenka, Axaddii ugu dambeysay February sannadkii 1913kii. Isla sannadkii 1913kii dood badan oo laga yeeshay kadib waxaa maalinta caalamiga ah ee haweenka loo aqoonsaday 8da bisha March. Sannadkii 1914kii haween badan oo reer Yurub ah ayaa isugu yimi ololeyaal ay kaga soo horjeedaan dagaalkii kowaad ee adduunka, kuna muujinayeen isku duubnidooda. Sannadkii 1917kii, haweenka Ruushku waxay ka mudahaaraadeen dagaalkii socday oo ay kaga dhinteen 2 milyan oo askartii Ruushka ah, iyagoo dalbaday nabad. Inkastoo xukuumaddii Ruushku iska dhego-marisay, haddana afar casho kadib way maslaxday haweenka, waxana loo oggolaaday inay codayn karaan. Maalintii mudaharaadkaasi bilaabmay waxay ahayd maalin Axad ah 23kii feberweri, marka loo eego jadwalka taariikhda ama kaalendarka Julian ee dalka Ruushka laga isticmaalo, waxay ku beegnayd 8 March 1917kii kaalendarka Gregorian ee caadiga ah.
Maalinta caalamiga ah ee haweenku sannadba ka ka dambeeya way koraysay oo waxay noqonaysay maalin adduunka oo dhan looga dabbaaldego lagana aqoonsan yahay hadday tahay dalalka horumaray amma kuwa soo korayaba. Qaramada Midoobey Sannado badan ayey qabanaysey shirar caalami ah, maalinta caalamiga ah ee haweenka, si lays kugu dubbariddo dadaalada loogu jiro xuquuqda haweenka iyo ka qaybqaadashadooda dhaqdhaqaaqa bulshadda, siyaasada iyo dhaqaalaha. Sannadkii 1975kii ayey Qaramada Midoobey u aqoonsadeen sannadka caalamiga ah ee haweenka. Sidoo kale urrurada haweenka iyo dawladaha adduunka badankoodu waxay qaban qaabiyaan maalinta caalamiga ah ee haweenka, dhacdooyin waaweyn oo lagu sharfayo doorka dumarku kaga jiraan nolosha.
Maalinta caalamiga ah ee haweenka, waxa iminka u aqoonsaday maalin qaran oo dadku ka nastaan shaqadda iyo hawlaha ay qabtaan wadamada kala ah China, Armenia, Russia, Azerbaijan, Belarus, Bulgaria, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Macedonia, Moldova, Mongolia, Tajikistan, Ukraine, Uzbekistan iyo Vietnam. Maalintani waa maalin qof kastaa ba uu ka farxiyo haweenka noloshiisa ku weyn sida hooyadii, walaashii, xaaskiisa iyo ehelkiisaba, waxay u geeyaan ubaxyo iyo haddiyado. Waddamada qaar waxay kala mid dhigaan maalinta hooyooyinka oo caruurtu haddiyado u keenaan hooyooyinkood iyo ayeeyooyinkood.
Sida la aaminsan yahay qarnigan isbeddello muhiim ah ayaa laga sameeyey arrimaha haweenka. Dad badan oo u badan jiilalkan dambe ayaa aaminsan in haweenku ay ku guuleysteen halgankoogii. Laakiin dadka aaminsan aragtida dheddigayntu (feminist) waxay ku dooddaan in wax badani ay weli ka dhiman yihiin haweenka, ilaa la helo haween badan oo ka mid noqda guddiyada caalamiga ah, haween badan oo noqda sharci-dajiyayaal, haween badan oo noqda dad lagu hirto (role models) lama odhan karo haweenku waxay heleen sinaansho. Xaqiiqada jirta ayaa ah inaan haweenku la mushahar ahayn dhigeeda ninka ah, dumarku way kaga yar yihiin ragga goobaha ganacsiga, siyaasadda, waxbarashada iyo caafimaadka, waanay kaga badan yihiin dhinaca waxyeellada dadka soo gaadha, lama se dafiri karo in haweenku dhawr tallaabo hore u qaadeen. Markaad aragto haween cirbixiyeenno ah, ra’iisal-wasaareyaal ah, professor ah. Sidaas ayay maalinta caalamiga ah ee dumarku ku noqotay maalin la xasuusto dhacdooyin murrugo leh oo haweenka la soo dersay, iyadoo loo dabbaaldegayo guulo ay haweenku gaadheen.
No comments:
Post a Comment