Heessaha Hirgaley Iyo Hab-dhaqanka Garoowe iyo Hargeysa
Written by Jidbaale.com
Tuesday, 09 March 2010 09:05
Garoowe(Jidbaale.com):-Riwaayadda toddobaadkan waxaa ka qayb qaadanaya Maamullo, Madax-dhaqameed, Wasiirro iyo Xildhibaano, waxayna Heesuhu u dhacayaan qaab talan taalliya ah. akhris wacan.
Faroole ”Maamuladda Walaallaha Colkoodu waa mid qudha, Maamulladda Walaalaha Codkoodu waa mid qudha, Kii nala jiraan la jirnaaa, Kii naga jiraan ka jirnaa.
Islaam Ciise ”Gari Makaa Baxdaa,? Adiga Maku Gashaa?, Adiga Ma Ku geydaa? Adiga Tallo Makaa Go’daa?
Shacabka Puntland ”Danbigaba waxaa dhigey Golahaan ku Barannee Lacagtaadii Raacoo, Sharcigaynu Dhigannaa Nagu Kaa khasbaayee Uma Qalantid Uma Qalantin Caashaqa.
C/samad ”Sidaan Ahey Nin Gaalloo Xaramaynkii Galayoo, Gubey Maalin Ciidoo Lagu Soo Gurmadeybaad, Gabi dheer Isaartoo igu gooni baadhee Gacal Hayga Filanine,Gacal hayga Filannine Golahayga ii dhaaf.
Ex- Wasiir Faarax Dhalac ”Digriga Culimadu Ma Daayaaneey Digriga Culimadu Ma Daayaaneey, Dagaalkii Labaad Sidiisii, Dagaalkii Labaad Sidiisiiyee Difaac Iyo weerar baan ahay Miyaan Dibu Laabanayaa.
Wasiir Axmed Karaash ”Haddii aanan Balaayooy Buulkayga Kaa Galin, Bisinkana Xijaab Odhan Bidhaanteyda aad weydide.
Xasan Geerash ”Maxaan Kaa Dhursugayoo Dhursugayoon, Inaan Dhaayahaa ku saaroo ku dheehdo ku dheehda dooney (Kursiyahow), Maxaan Kuu dhabar Adaygoo Habeenimo Kugu Dhadhabayoo Kursiyahow.
Ex-Wasiir Tima-cadde ”Haddii Guggiisiyo Garashadiisu Sidaa U Gaysey Garaadka, Garaadkaygu Hay Gawracee Garta u Daaya.
Garaad J. Garaad G. Ismaaciil ”Allahayoow Nin Daacadda Allahayoow Nin Daalima Deeqdaada Hawsimin.
Wasiir Daa’uud Bisinle ”Warqaddan Daboolane Dusha Dhiigu Kaga Yaal Garaad Jaamac Qalbiga Haa Haa Deg Deg Iiga Gaadhsiiya (Axmed Saakinoow)Waanadu Ma Deeqdoo Dadna Way Coloobeen dheh, Dirir iyo Dagaalbey Maamuladii Ku Doodeen dheh,------------ u soo Dabacsan wasiirka dheh.
Garaad Jaamac G. Cali ”Wasiiroow Waa Yeelkadaa Garaad shisheeyaad sidaa Waqtigu waa Galab Carow, Markaad Geel Dhaqatidbaa Gaawaha loo soo cushaa, Gacmaha yaa idiinku jira Goormaa laga tagtey Warkaa -----------------------Gamuuran Gam oo Gayaxan.
Wasiir M. Faarax Faruur, Gaashaan, M. Ciise Lacle ”Tawradatan Barakaysan Tallaabadii ay qaaddee Dadweynaha tiisa Daryeeshee Tamar iyo taagba Garabkiinaanu taaganahee.
Xildhibaan Aadan Waal ”Haddii Aan Jaceyl Jirin Ifka lamaba Joogeen, Haddii aan Garanley Jirin Xildhibaan Joogeen, Haddii aan Garanley Jirin Garaadada Ma caayeen, Jaalalleey Jaalalleey
Halkaas markii Riwaayadu Maraysey ayaa waxaa la wareegey Jilayaashii Hargeysa.
Siilaanyo ”Kursigaasaan Caashaqayee, Kursigaassaan Caashaqayee Madaxweyne Mar I Dhaha, Madaxweyne Haa Madaxweyne Haa Madaxweyne Haa.
Faysal C.Waraabe ”Waa Bixiso Odayoo, Adoo Bari Guntii Jira Fad Galbeed ka Baaqiyo , Saw Baqashii Noqotee Fardo Bari la miratoo Badhkoodii Ismoodee, Odayoow Da’daa Bogo.
Riyaale ”Laan Daaqa Geeluba Labigii Jarkaw dhaw Intuu Laac Isleeyahay Saw Laagga Kama Dhaco, Soo Leefa Hawada.
Xaabsade ”Siyaasaddu Doqonsanaa Damac Waalannaa Waxay doonto Be’ri Kuu Diri Ogaa, Labadey I Dardarey (Maamul) dadka dhibi ogaa, Risiq Eebbe Kuu Diidey kaa Durugsanaa, Nimuu Kursi Siinaayo deg-deg u heli ogaa, Taa Waxaa Daliil U ah Anigiyo Xaglo-toosiye.!!!!
Shacabka Hargeysa ”Cadceedbaa dul joogtoo, Dhidid baa ka da’ayee, Bulsho daalan weeyaan (20 sano), Layskama Durduriyee Sumcad Duninada yaa ku leh? Dawlada Jaarkiyo ayaa Ictiraafka Keeni Kara?
Bulshadda SSC ”Riyaalaba Ma Joogeen (Laascaanood) Haddaan Midig La Siinin, Mindiyihii Qarsoonaa qarsoonaa kuwii Nagu Miraayey Miraayey Puntland ma moog’i.
Warbaahinta ”waa Su’aal da’weynoo madaxa Daalinaysee deg deg kuma haboonee, Adoo Degan u Fiirsoo Ujeedada I deeqsii, Haddii Dabkii Dhaxamoodo Maxaa lagu Diiriyaa?
Jidbaale.com ”Ruux Hadii la doortoo Darajadii La Saariyo Xilkii Daryeeli-waayaa Dab-dhaxamoodey weeye.
Maxamed Axmed Galoose
galoose@yahoo.com
Laascaanood Soomaaliya.
Last Updated on Tuesday, 09 March 2010 19:30
No comments:
Post a Comment