Sunday, March 21, 2010

arday cusub oo ssc ah oo yimi dalka sudan iyo waraysi lala yeeshay mudane abshir dhiilo-casar

arday cusub oo raba inay ka bilaabaan dalka suudaan waxbarsho sekendari ah (dugsiyada sare) ayaa waxay soo gaadheen magaalada kharduum ee caasimada dalka suudaan markay taariikhdu ahay 14 febraayo 2010,ardaydaas oo tiradoodu ay tahay 4 iyo mid kale oo isna soo socda markaas tiradoodu waxay gaadhaysaa 5 arday ,ilaahayna waxaanu uga rajaynayaa inuu u fududeeyo waxbarshadooda,ardayda ssc ee timi caasimada kharduum ee dalka suudaan magcayoodu waa sidatan:
1.abshir faarax maxamuud(dhiilo-casar)
2.c/qani hoori
3.c/laahi ibraahim maxamuud
4.mustafe c/qani khaawi
hadaba ardaydaas timi magaalada kharduum waxay bilaabi doonaan waxbarashada hadii ilaahay idmo bisha 6aad,waxaanuna waraysi la yeelanay mid kamida ardayda ssc ee sanadkan timi dalka suudaan oo magaciisa la yiraahdo abshir faarax maxamuud(dhiilo-casar)
waxaanuna waydiinay ugu horayn:
1.ka waran dalka suudaan sidee buu kula yahay?
wuxuu ku jawaabay noloshiisu aad uma fiicna laakiin waxbarshada waa ay ku fiican tahay waayo dadka jooga badankoodu waa arday
2.ka waran cimilada dalkan aad timi dhowaan?
jawigeedu aad uma fiicna waayo waa kul marka la barbardhigo dalkeenii soomaaliya
3.maxaa kuugu yaab badnaa oo aad ku aragtay dalkan?
waxaan ku arkay cunto xumo,cuntadeeduna waa fuul(digir waaweyn),cuntada marka la cuno cuntada mala istaraasho
4.yaa kugu soo dhoweeyey dalka suudaan oo aad aragtay saacadihii kuugu horeeyey ?
waxaan arkay C/kariin wasiirka , cabdilaahi axmed dayib iyo muuse axmed ciise
5.maxaad kula talinaysaa dadka soomaaliya jooga ee aan waxbarashada dhigan ee kula mid ka ah ee jooga deegaanada ssc?
waxaan kula talinayaa inay waxbartaa si ay u anfacaan dalkooda,dadkooda iyo diintoodaba

Saturday, March 13, 2010

magacaabista gudoomiyayaasha maxkamahada puntland

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Madaxda Maxkamadaha iyo Garsoorayaa.
Bartamaha(Garoowe):-Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland ayaa dhisay Maxkamadaha iyo Garsoorayaasha dhammaan Deegaanada Puntland.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Puntland ayaa lagu magacaabay Gudoomiyayasha Maxkamadaha Puntland iyo Garsoorayaasha dhammaan Deegaanada Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland:-
Madaxweynaha ayaa waxa uu magacaabay:-
1-Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ee Magaalada Bosaaso Fareceeda Labaad ayaa Waxaa Loo magacaabay Aadan Axmed Maxamed
2-Garsoorka Maxkamada Darajada Koowaad ee Magaalada Bosaaso Faraceeda Labaad ayaa waxaa loo magacaabay C/rashiid Cali Ciise
3- Maxamed Maxamuud Saleebaan ayaa waxaa loo Magaacabay Garsoorka Labaad ee Maxkamada
4- Maxamuud Xasan Cabdi ayaa waxaa Loo Magacaabay Garsooraha Maxkamada Degmada Laasqoray
5- Adan yuusuf Xuseen ayaa waxaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamada Degmada Carmo
6- Ibraahim C/laahi Samatar ayaa waxaa Loo Magacaabay Garsoorka Maxkamada Degmada Dhahar
7- C/laahi Maxamuud Boos ayaa waxaa loo Magacaabay Garsoorka Degmada Caluula
8- Cawla Jaamac Muuse ayaa waxaa loo magacaabay garsoorka Degmada Baargaal
9- Siciid Maxamed Axmed ayaa waxaa loo Magacaabay Garsoorka Degmada Bandar Bayla
10- C/rashiid Muuse Ciise ayaa Waxaa Loo magacaabay Garsoorka Degmada EYL
11- C/fataax Cali Diiriye ayaa waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Degmada Gaalkacyo
Magacaabida Madaxda Maxkamadaha iyo Garsoorayaasha ayaa waxa ay qeyb ka tahay dib u habayn dhawaanahan madaxweyne Faroole uu ku waday dhismaha guud ee Dowlada Goboleedka Puntland.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Sooyaalka Taariikheed ee Maalinta Haweenka Adduunka 8 March

Sooyaalka Taariikheed ee Maalinta Haweenka Adduunka 8 March
Maalinta 8da bisha March, waa maalinta loola baxay maalinta caalamiga ah ee haweenka. Sannad kasta maalintan waxaa loo dabbaaldegaa kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulsho weynta caalamka, haday tahay dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshadaba. Caalamka badankiisa waa laga xusaa. Waddamada qaar waxay doorbidaan maalintan oo kale inay dumarku u muujiyaan jacaylka ay u qabaan sida xidhiidhka hooyonimo, walaaltinimo amma xaasnimo, halka waddamada qaarna ay ka doorbidaan inay kaga hadlaan siyaasadda iyo xuquuqda haweenka.
Maalintan haweenku waxay soo bandhigaan guulaha kala duwan ee ay ka gaadheen dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo ilaalinta xuquuqda haweenka. Waxay muujiyaan cabashooyinkooga ku wajahan mushaharooyinka ay qataan, saacadaha shaqada, u sinnaanshaha shaqada iyo ka muuqashada goleyaasha qaranka.
Somaliland waxay ka mid tahay dalalka sannadahan dambe bilaabay inay u dabbaaldegaan maalinta caalamiga ah ee haweenka. Dadka qaar ayaa dhaliila, qaar kalena way difaacaan, laakiin sida muuqata dadkeenu hadday difaacaan iyo haday dhaliilaanba, wax badan kama oga sooyaalka taariikheed ee maalinta caalamiga ah ee haweenka. Goorma ayaa la bilaabay u dabbaaldegista maalintani? Yaa bilaabay? Sidee ayay ku timid? Marxalado noocee ah ayey soo martay? Maxay caalamka ku soo kordhisay? Waa su’aalo muhiim ah oo ay tahay in laga jawaabo. Taasi waa sababta igu kelliftay inaan raadiyo oo aan dabadeedna qallinka u qaato maqaalkan, oo aan ugu talogaley dadka inaan ugu iftiimiyo maalintani iyo waayaheega.
Ugu maan talo-galin inaan difaaco ama dhaliilo u dabbaaldegista maalintani caalamiga ah ee haweenka, wakhti danbe ayaan u dhigan doonaa, balse iminka shifo ku ilsaara maalintan iyo sooyaalkeeda tariikheed.
Cadaadiskii dumarka lagu hayey iyo u sinaansho la’aantii ragga iyo dumarka dhinacyadda kala duwan ee noloshu, waxay dhalisay in sannadkii 1908dii 15,000 qof oo haween ahi ay mudaharaad ka sameeyaan magaalada New York ee dalka Maraykanka, iyagoo dalbanaya saacadaha shaqada oo la yareeyo, mushaharaadka oo loo kordhiyo iyo xaqa codaynta oo loo oggolaado. maalin Axad ah 28kii February, 1909kii ayuu xisbigii Shuuciyadda ahaa ee dalka Maraykanku ku dhawaaqay maalinta haweenka reer Maraykan. Dumarka Maraykanku maalintan waxay u dabbaaldegi jireen Axadda ugu dambeysa bisha labaad ilaa laga soo gaadhay 1913kii.
Sannadkii 1910kii, magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, waxa lagu qabtay shirweyne caalami oo ay ka qaybgaleen haweenka shaqeeya oo tiradoodu kor u dhaaftey 100 qof, kuwaas oo ka kala socday 17 waddan. Gabadh la odhan jirey Clara Zetkin oo madax ka ahayd xafiiska haweenka ee xisbiga Social Democratic Party ee dalka Jarmalka, ayaa soo jeedisay in la sameeyo maalinta haweenka, oo si caalami ah loogu dabbaaldego dalalka adduunka oo dhan. Sidaas ayaana laysugu raacay maalintaasi, inkastoo aan la magaacaabin maalinta iyo bisha ay noqon doonto midna.
Iyadoo laga duulayo go’aankii laysku raacay shirkii Copenhagen ee haweenka sannadkii 1911kii waxa markii ugu horreysay si caalami ah looga dabbaaldegay maalinta caalamiga ah ee haweenka waddamada Austria, Denmark, Germany iyo Switzerland 19kii March 1911kii. In ka badan malyuuun rag iyo dumar iskugu jira ayaa ka qaybqaatay u dabbaaldega maalinta caalamiga ah ee haweenka, iyagoo u ololaynaya xuquuqda dumarku u leeyihiin inay shaqeeyaan, codeeyaan, xirfaddo la baro, xilal dawladeed loo dhiibo iyo in la dabar gooyo takoorista haweenimo. Muddo ka yar hal wiig kadib, 25kii March 1911kii, waxaa New York ka dhacday masiibadii loo loogu magac-daray “TRIANGLE FIRE,” waxana ku dhintay 140 haween ah oo wershad dharka soo saarta ka shaqaynayey, waxay nau badnaayeen Talyaani iyo Yuhuud qaxooti ahayd. Taasina waxay dadka ku soo jeedisay xaaladaha shaqadda iyo sharciyadda shaqaalaha ee dalka Maraykanka oo dhaliilo loo soo jeediyay.
Haweenka dalka Ruushku waxay markii ugu horeysay u dabbaaldegeen maalinta caalamiga ah ee haweenka, Axaddii ugu dambeysay February sannadkii 1913kii. Isla sannadkii 1913kii dood badan oo laga yeeshay kadib waxaa maalinta caalamiga ah ee haweenka loo aqoonsaday 8da bisha March. Sannadkii 1914kii haween badan oo reer Yurub ah ayaa isugu yimi ololeyaal ay kaga soo horjeedaan dagaalkii kowaad ee adduunka, kuna muujinayeen isku duubnidooda. Sannadkii 1917kii, haweenka Ruushku waxay ka mudahaaraadeen dagaalkii socday oo ay kaga dhinteen 2 milyan oo askartii Ruushka ah, iyagoo dalbaday nabad. Inkastoo xukuumaddii Ruushku iska dhego-marisay, haddana afar casho kadib way maslaxday haweenka, waxana loo oggolaaday inay codayn karaan. Maalintii mudaharaadkaasi bilaabmay waxay ahayd maalin Axad ah 23kii feberweri, marka loo eego jadwalka taariikhda ama kaalendarka Julian ee dalka Ruushka laga isticmaalo, waxay ku beegnayd 8 March 1917kii kaalendarka Gregorian ee caadiga ah.
Maalinta caalamiga ah ee haweenku sannadba ka ka dambeeya way koraysay oo waxay noqonaysay maalin adduunka oo dhan looga dabbaaldego lagana aqoonsan yahay hadday tahay dalalka horumaray amma kuwa soo korayaba. Qaramada Midoobey Sannado badan ayey qabanaysey shirar caalami ah, maalinta caalamiga ah ee haweenka, si lays kugu dubbariddo dadaalada loogu jiro xuquuqda haweenka iyo ka qaybqaadashadooda dhaqdhaqaaqa bulshadda, siyaasada iyo dhaqaalaha. Sannadkii 1975kii ayey Qaramada Midoobey u aqoonsadeen sannadka caalamiga ah ee haweenka. Sidoo kale urrurada haweenka iyo dawladaha adduunka badankoodu waxay qaban qaabiyaan maalinta caalamiga ah ee haweenka, dhacdooyin waaweyn oo lagu sharfayo doorka dumarku kaga jiraan nolosha.
Maalinta caalamiga ah ee haweenka, waxa iminka u aqoonsaday maalin qaran oo dadku ka nastaan shaqadda iyo hawlaha ay qabtaan wadamada kala ah China, Armenia, Russia, Azerbaijan, Belarus, Bulgaria, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Macedonia, Moldova, Mongolia, Tajikistan, Ukraine, Uzbekistan iyo Vietnam. Maalintani waa maalin qof kastaa ba uu ka farxiyo haweenka noloshiisa ku weyn sida hooyadii, walaashii, xaaskiisa iyo ehelkiisaba, waxay u geeyaan ubaxyo iyo haddiyado. Waddamada qaar waxay kala mid dhigaan maalinta hooyooyinka oo caruurtu haddiyado u keenaan hooyooyinkood iyo ayeeyooyinkood.
Sida la aaminsan yahay qarnigan isbeddello muhiim ah ayaa laga sameeyey arrimaha haweenka. Dad badan oo u badan jiilalkan dambe ayaa aaminsan in haweenku ay ku guuleysteen halgankoogii. Laakiin dadka aaminsan aragtida dheddigayntu (feminist) waxay ku dooddaan in wax badani ay weli ka dhiman yihiin haweenka, ilaa la helo haween badan oo ka mid noqda guddiyada caalamiga ah, haween badan oo noqda sharci-dajiyayaal, haween badan oo noqda dad lagu hirto (role models) lama odhan karo haweenku waxay heleen sinaansho. Xaqiiqada jirta ayaa ah inaan haweenku la mushahar ahayn dhigeeda ninka ah, dumarku way kaga yar yihiin ragga goobaha ganacsiga, siyaasadda, waxbarashada iyo caafimaadka, waanay kaga badan yihiin dhinaca waxyeellada dadka soo gaadha, lama se dafiri karo in haweenku dhawr tallaabo hore u qaadeen. Markaad aragto haween cirbixiyeenno ah, ra’iisal-wasaareyaal ah, professor ah. Sidaas ayay maalinta caalamiga ah ee dumarku ku noqotay maalin la xasuusto dhacdooyin murrugo leh oo haweenka la soo dersay, iyadoo loo dabbaaldegayo guulo ay haweenku gaadheen.

xasuuqyadii ay u geesatay jabhada SNM shacabka gobolada ssc iyo awdal yaa ka masuul ahaa

Sanadihii 1989,89 iyo sagaashankii Waxay Jabhadii SNM ka geysatay xasuuq Shacab Gobolada waqooyiga Soomaaliya ,gaar ahaan reer guuraaga Qabaa'ilka ka soo jeeda Gobolada Sool,Sanaag iyo Awdal,iyada oo Jabhada SNM xasuuq aan kala sooc lahayn kuna salaysan isir sooc ku samaysay Maato,Reer guuraa ah oo ka soo jeeda Gobolada aan ku abtirsan beesha Isaaqa.
Saraakiishii ugu weynaa oo geystay danbiyo dagaal oo ku salaysan Isir sooc waxa ka mid ahaa CabdiRaxmaan tuur,Siilaanyo,Xasan CiiseJamac,Axmed Mireiyo Ina Kaahin .
Sanadahan danbe waxa socday olole lagu eedaynayo saraakiishii Soomaaliyeed oo u shaqaynayey dawladii Soomaaliyeed inay ka geysteen danbiyo dagaal Gobolada waqooyi gaar ahaan kuwa ku abtirsada SNM,hase ahaatee xaqiiqdu ay tahay in Ma'suuliyada iyo Burburkii ku yimid Goboladaas ay lahaayeen Saraakiishii SNM oo amarka ku bixisay in si is miidaamin ah SNM gudaha ugu gasho Gudaha Magaalooyinka ,gaboodnna uga dhigaan Shacabka aan hubaysnay oo u badnaa Dumar iyo caruur, iyagoo ku soo guul daraystay dagaaladii ay kula jireen dawlada oo ka socday banaanka Magaalooyinka.
Dad goob joogayaal ahaa waxay sheegeen in SNM ay si is Miidaamin ah oo la mid ah xeeladihii Dagaalka ee Jabaanka ee dagaalkii labaad ee 1945 iyo Kii Xizbulaah ay ku galeen saldhigii Ciidamada Marykanka ee Lubnaan oo ay isku qarxiyeen , ay wadeen xeelad dagaal oo la mid ah Jabhada SNM oo ay ku soo galeen magaalooyinka waaweyn oo ay degaan ahaan ka soo jeedaan, hase ahaatee ay joogeen Ciidankii Dawlada,halkaasna uu dagaal ku dhex maray Ciidankii dawlada iyo Jabhadii is miidaaminaysay sida Xeelada Xizbulaah taasina ay keentay bur bur iyo Barakac baahsan
Danbiyadan dagaal oo ay geysteen Saraakishii SNM oo hada Khuburo wado diiwaan gelintooda waxa ka mid ahaa.
Siilaanyo wuxuu ahaa Gudoomiyihii hore ee SNM,isla markaana amar ku bixiyey in SNM si is miidaamin ah gudaha u gasho, Magaalooyinka Hargaysa iyo Burco
Axmed MireMaxamuud waxa uu sarkaal sare oo ka mida ahaa Jabhadii wuxuuna xasuuq baqdini ku jirto u geystay reer guuraa aan hubaysnayn,Caruur iyo Dumar aan hubaysnayn
Ina Kaahin wuxuu ahaa Sarkaal kale oo ka mid ahaa SNM oo si fulaynimo ah weerar ugu qaadi jiray Reer guuraga ku nool Sool iyo Cayn,kana geystay degaanada danbiyo dagaal
Ina Habane wuxuu isna ka mid ahaa Saraakiishii xasuuqa ka geysatay Gobolka Awdal gaar ahaan Magaalada Boorame.
Ugu danbayntii danbiyadan dagaal oo ay geysteen Saraakiisha SNM ayaa ah kuwo loo geystay dad Shacab ah iyaga oo danbiga qura oo ay galeen ay ahayd inaanay ahayn Qabiilka Isaaqa,waxaana ugu badnaa dadka loo geystay danbiyada dagaalka Reer guuraaga aan hubaysnayn ,gaadmo Dadka lagu dli jiray xiliyada Salaada lagu jiro(Salaadaha Ciida iyo Jimcaha)
Allsanaag.com

Dadkii ku xidhnaa jeelka laascaanood oo lagu ilaabay, iyo Cirro oo soo gaadhay magaalada

Dadkii ku xidhnaa jeelka laascaanood oo lagu ilaabay, iyo Cirro oo soo gaadhay magaalada
Saturday, March 13, 2010

Waxaa habeen hore soo gaadhay magaalada la haysto ee laascaanood ninka Riyaale u qaabilsan arimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cirro, ninkan oo ah ninka inta badan maxaabiista xaq darada ugu xidh xidhan jeelka laascaanood ay u xidhan yihiin ayaa ilaa shalay intii uu magaalada soo gaadhay waxaa laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ay ciidanka Booliisku wadaan, taas oo aalaaba la arko marka uu yimaado nin ka yimaada hargaysa oo wasiir sheeganaya marka uu soo gaadho magaalada la haysto ee laascaanood.
Cirro ayaa sidii caadada u ahayd marka uu yimaado laascaanood waxa uu gabaad ka dhigtay Hotel xamdi oo uu si aad ah isugu ilaasho, ciidamo badanna la dul dhoobo, iyada oo aan hotelka cid kale loo ogolaan inta uu daganyahay in ay la soo degto, si uu amnigiisa u sugo.
Maanta ayaa waxaa la filayaa in ay la kulmaan odayaasha qaar ka mida dadka aan waxba galabsan ee Jeelka laascaanood xaq darada loogu haysto.
Jeelka laascaanood ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa buux dhaafiyay shacab badan oo reer laascaanood ah oo aan waxba galabsa, si xaqdaro iyo xaaraan ahna loogu haysto kiisas aan jirin oo been abuur ah.
Maxaabiistan ayaad moodaa in la iska hilmaamo ka hadalkooda inta aanay gobolka ku sugnayn Saraakiisha Isaaq, kuwaas uun oo la sheego in ay ka go'do sii daynta maxaabiistan.
Xubanaha deegaanka u dhashay ee Xilalka ka haya Maamulka soomaali diidka ee Ina Riyaale ayaa iyagu ah kuwo maqaar saar ah oo aan wax tallo ahi ka go'in isla markaasna meesha u jooga uun mushaharaadka yar ee la siiyo.
Dadka Jeelka sida xaqdarada loogu haysto mudada dheer ayaa waxaa ka mid ah, Ex xildhibaan C/rashiid Faroole, Ganacsade Jaamac Jeego, Dhagawayne Aadan Siyaad, Axmed saleebaan, iyo dad kale oo tiro badan oo aan wax ay galabsadeen jirin.
horufadhi.com

Magacyada Xubnaha Khusuusiga Ee La Dhaariyey

Magacyada Xubnaha Khusuusiga Ee La Dhaariyey



Written by Jidbaale.com
Saturday, 13 March 2010 13:04
Buurawadal(Jidbaale.com):-Waxaan idin soo Gudbinayna xubanaha sida rasmiga ah loo dhaariyey iyo kuwa weli dhiman ee aan la dhaarin, Waxaana sida aad liiskaba ka arki doontaan weli an la dhaarin afar xubnood kuwaasoo weli aan soo xaadirin Goobta.
Hadaba halkan ka dheeho,
Faarax Maxamed Xaaji Seed
Khadar Saleebaan Sancad
C/rizaaq Xasan Ismaaciil
Kubra Kayse Jaamac
Caasha Cismaan Ismaaciil
Cabdi Jaamac Axmed
Salebaan Aaden Cilmi
Mukhtaar Xirsi Jaamac
Cismaan Faarax Caliyey
Xariir Awcali Barre
Xasan C/qani Shiikh Aadan
Cabdillahi Saleeban X. Axmed
Maxamed Ismaaciil Odawaa
Maxamed Cawil Ducaale
Cismaan Xaaji Cali
Maxamed Jaamac Warsame
Maxamed Ibraahim Ciise

Xubnaha Aan Wali Dhaarin

18. Maxamud Warsame Cabdi
19. Dr. Maxamed Muuse Saciid
20. Maxamuud Caydiid Dirir
21. Eng.Maxamud Faarax Cali (Weyl )

Xubnaha ayaa qaarkood ay joogan Gudaha dalka laguna wadaa in dhwana la dhaariyo halka wararka qaar sheegayan in 2 ka mid ah xubnaha la dhaariyey shalay subax walow an weli la xaqiijin.

Friday, March 12, 2010

cali khaliif galayr oo hadlay

Khaliif"Somaliland Waa In Lagala Hadlaa Sidii Shirweyne Somaliyeed Loogu Qaban Lahaa Hargeysa"
Lasanod Online. Thursday, March 11, 2010
google_protectAndRun("ads_core.google_render_ad", google_handleError, google_render_ad);
Cali Khaliif Gallaydh

LOndon,(Univeraltv)- Ra’iisal-Wasaarihii Dawladdii Carta ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallaydh, ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Somaliland lagala hadlo..
sidii Shirweyne loogu qaban lahaa Hargeysa, iyada oo la waafajinayo danaha Somaliland, isla markaana sheegay in maamul-gobolleedka Puntland uu u ordayo sidii uu uga go’I lahaa Koonfurta Soomaaliya.
Cali Khaliif Gallaydh wuxuu dhaliilay hab uu sheegay inay ka jirto Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Puntland, taas oo la xidhiidha in lacag lagu qaato Ciidan aan jirin oo Mushahar loo qoro. “Somaliland iyo Puntland waxa jira Ciidamo aan jirin oo Lacag lagu qaato..Miisaaniyadda Somaliland ma arag sanadkii ilaa labadii sanno ee u dambeeyay oo malaha maba jiro, laakiin way jirtaa Ciidankaas oo dadka ayaa lagu naas-nuujiyaa. Miisaaniyadda Puntland-na waan ogahay oo iyana way ka jirtaa.” Ayuu yidhi Cali oo isaga oo ku sugan magaalada London Waraysi khaas ah xalay siiyay Telefishanka UNIVERSAL.
Cali Khaliif Gallaydh wuxuu sheegay in Xalka Soomaaliya uu ku jiro in iyada oo Somaliland danaheeda la fulinayo Umadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Shirweyne loogu qabto Magaalada Hargeysa. “Meelaha qaarkood laga raadinayo xalka Soomaaliya in ay Hargeysa ka mid noqon karto ayaan qabaa, inta marba Gogol la dhigi lahaa meel aan dalka, dhaqankii iyo dadnimadii aanay oolin oo lagu qabanayo Shirar, in Hargeysa lagu qabto ayaa wax badan uga suurtogalsan. Laakiin, waa haddii rag ka fikiraan oo iyaga oo is-cunsiinaya danta Somaliland iyo danta Umadda Soomaaliyeed ee kale lagala hadlo.” Ayuu yidhi Cali Khaliif Gallaydh, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sababtoo ah, waynu ognahay Somaliland lafteeda ayaa dan leh oo uga baahi badan. Anigu waan ka qayb galay shirarkii Burco iyo Borama ee lagaga dhawaaqay Somaliland, hadda 19 sanno ayay maraysaa (jirtaa Somaliland). Markaas si dadka reer Somaliland u dan ah ha la yeelo.”
Mar uu Cali Khaliif ka hadlayay qaddiyadda Madax bannaani Somaliland hesho wuxuu sheegay in aanay ahayn in la qasbo, isla markaana wuxuu ka hadlay gobolka Sool oo uu sheegay in Xukuummaddu ka qaaday tallaabooyin isaga qalad ula muuqday. “Anigu ma qabo in cidna la qasbo. Laakiin, sidii aan u diidanaa Diyaaradihii iyo Ciidamadii garaacayay Hargeysa (waqtigii Siyaad Barre), ayaan u diidanahay waxyaabaha aragtidayda ka socda Laascaanood.” Ayuu yidhi Cali Khallif. Hase yeeshee, mar la waydiiyay in marka uu ka hadlayo Laascaanood ay tahay ujeedadiisu in uu u dhashay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Maaha waan u dashay ee waxaan noqonayaa qof fikirka aan qabo (Soomaaliweyn) ay dhab ka tahay.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waagii hore waxaan ogaa Somaliland oo tidhi waan goosanay, Puntland laftiisa ayaanay ka madhnayn oo uga orod badan (Somaliland) in uu go’o. Waxaanan qabaa haddii dhulkooda ay nabad ka dhalinayaan (Puntland iyo Somaliland) oo aanay cidna wax ka qabin in loo daayo iyaga ayaa u faro-dhuudhuuban.”
Cali Khaliif wuxuu naqdiyay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya. “Kornayllo Itoobiyaan ah ayaa dhex fadhiya Garowe iyo Hargeysa, Koonfurtana iskaba daa hadalkooda. Kuwaasina mid iyo laba toona maaha. Kama hadlayo oo in xidhiidh la yeesho lama diidin, gaar ahaan in Somaliland xidhiidh ka raadiso Itoobiya waa wax aan garan karo, laakiin waxa ii muuqata in wixii ay Soomaalidu lahayd ay meesha ka baxdo.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.
Gebogebadii, Cali Khalliif oo wax ka dhiga Jaamacad, ayaa mar la waydiiyay in uu Siyaasadda ka baxay iyo in kale, ayaa wuxuu sheegay hadda uu hawl-gab yahay, isla markaana uu kaba fadhiistay Macallinimada Jaamacadda. “Siyaasadda Soomaalidu Albaab laga galo ayay leedahay ee Albaab laga baxo ma leh oo meel uun baa la dhex wareegaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cali Khaliif.

Wednesday, March 10, 2010

Heessaha Hirgaley Iyo Hab-dhaqanka Garoowe iyo Hargeysa.

Heessaha Hirgaley Iyo Hab-dhaqanka Garoowe iyo Hargeysa



Written by Jidbaale.com
Tuesday, 09 March 2010 09:05
Garoowe(Jidbaale.com):-Riwaayadda toddobaadkan waxaa ka qayb qaadanaya Maamullo, Madax-dhaqameed, Wasiirro iyo Xildhibaano, waxayna Heesuhu u dhacayaan qaab talan taalliya ah. akhris wacan.
Faroole ”Maamuladda Walaallaha Colkoodu waa mid qudha, Maamulladda Walaalaha Codkoodu waa mid qudha, Kii nala jiraan la jirnaaa, Kii naga jiraan ka jirnaa.


Islaam Ciise ”Gari Makaa Baxdaa,? Adiga Maku Gashaa?, Adiga Ma Ku geydaa? Adiga Tallo Makaa Go’daa?

Shacabka Puntland ”Danbigaba waxaa dhigey Golahaan ku Barannee Lacagtaadii Raacoo, Sharcigaynu Dhigannaa Nagu Kaa khasbaayee Uma Qalantid Uma Qalantin Caashaqa.

C/samad ”Sidaan Ahey Nin Gaalloo Xaramaynkii Galayoo, Gubey Maalin Ciidoo Lagu Soo Gurmadeybaad, Gabi dheer Isaartoo igu gooni baadhee Gacal Hayga Filanine,Gacal hayga Filannine Golahayga ii dhaaf.

Ex- Wasiir Faarax Dhalac ”Digriga Culimadu Ma Daayaaneey Digriga Culimadu Ma Daayaaneey, Dagaalkii Labaad Sidiisii, Dagaalkii Labaad Sidiisiiyee Difaac Iyo weerar baan ahay Miyaan Dibu Laabanayaa.


Wasiir Axmed Karaash ”Haddii aanan Balaayooy Buulkayga Kaa Galin, Bisinkana Xijaab Odhan Bidhaanteyda aad weydide.
Xasan Geerash ”Maxaan Kaa Dhursugayoo Dhursugayoon, Inaan Dhaayahaa ku saaroo ku dheehdo ku dheehda dooney (Kursiyahow), Maxaan Kuu dhabar Adaygoo Habeenimo Kugu Dhadhabayoo Kursiyahow.


Ex-Wasiir Tima-cadde ”Haddii Guggiisiyo Garashadiisu Sidaa U Gaysey Garaadka, Garaadkaygu Hay Gawracee Garta u Daaya.

Garaad J. Garaad G. Ismaaciil ”Allahayoow Nin Daacadda Allahayoow Nin Daalima Deeqdaada Hawsimin.


Wasiir Daa’uud Bisinle ”Warqaddan Daboolane Dusha Dhiigu Kaga Yaal Garaad Jaamac Qalbiga Haa Haa Deg Deg Iiga Gaadhsiiya (Axmed Saakinoow)Waanadu Ma Deeqdoo Dadna Way Coloobeen dheh, Dirir iyo Dagaalbey Maamuladii Ku Doodeen dheh,------------ u soo Dabacsan wasiirka dheh.

Garaad Jaamac G. Cali ”Wasiiroow Waa Yeelkadaa Garaad shisheeyaad sidaa Waqtigu waa Galab Carow, Markaad Geel Dhaqatidbaa Gaawaha loo soo cushaa, Gacmaha yaa idiinku jira Goormaa laga tagtey Warkaa -----------------------Gamuuran Gam oo Gayaxan.

Wasiir M. Faarax Faruur, Gaashaan, M. Ciise Lacle ”Tawradatan Barakaysan Tallaabadii ay qaaddee Dadweynaha tiisa Daryeeshee Tamar iyo taagba Garabkiinaanu taaganahee.



Xildhibaan Aadan Waal ”Haddii Aan Jaceyl Jirin Ifka lamaba Joogeen, Haddii aan Garanley Jirin Xildhibaan Joogeen, Haddii aan Garanley Jirin Garaadada Ma caayeen, Jaalalleey Jaalalleey
Halkaas markii Riwaayadu Maraysey ayaa waxaa la wareegey Jilayaashii Hargeysa.


Siilaanyo ”Kursigaasaan Caashaqayee, Kursigaassaan Caashaqayee Madaxweyne Mar I Dhaha, Madaxweyne Haa Madaxweyne Haa Madaxweyne Haa.

Faysal C.Waraabe ”Waa Bixiso Odayoo, Adoo Bari Guntii Jira Fad Galbeed ka Baaqiyo , Saw Baqashii Noqotee Fardo Bari la miratoo Badhkoodii Ismoodee, Odayoow Da’daa Bogo.

Riyaale ”Laan Daaqa Geeluba Labigii Jarkaw dhaw Intuu Laac Isleeyahay Saw Laagga Kama Dhaco, Soo Leefa Hawada.

Xaabsade ”Siyaasaddu Doqonsanaa Damac Waalannaa Waxay doonto Be’ri Kuu Diri Ogaa, Labadey I Dardarey (Maamul) dadka dhibi ogaa, Risiq Eebbe Kuu Diidey kaa Durugsanaa, Nimuu Kursi Siinaayo deg-deg u heli ogaa, Taa Waxaa Daliil U ah Anigiyo Xaglo-toosiye.!!!!


Shacabka Hargeysa ”Cadceedbaa dul joogtoo, Dhidid baa ka da’ayee, Bulsho daalan weeyaan (20 sano), Layskama Durduriyee Sumcad Duninada yaa ku leh? Dawlada Jaarkiyo ayaa Ictiraafka Keeni Kara?

Bulshadda SSC ”Riyaalaba Ma Joogeen (Laascaanood) Haddaan Midig La Siinin, Mindiyihii Qarsoonaa qarsoonaa kuwii Nagu Miraayey Miraayey Puntland ma moog’i.
Warbaahinta ”waa Su’aal da’weynoo madaxa Daalinaysee deg deg kuma haboonee, Adoo Degan u Fiirsoo Ujeedada I deeqsii, Haddii Dabkii Dhaxamoodo Maxaa lagu Diiriyaa?


Jidbaale.com ”Ruux Hadii la doortoo Darajadii La Saariyo Xilkii Daryeeli-waayaa Dab-dhaxamoodey weeye.


Maxamed Axmed Galoose
galoose@yahoo.com
Laascaanood Soomaaliya.
Last Updated on Tuesday, 09 March 2010 19:30

Sunday, March 7, 2010

maxaad ka taqaanaa golaha dhalinyarada ssc ee dalka sudan?

waa gole kulmiya dhamaan ardayda ssc ee dalka suudaan waxaana la aasaasay sanadkii 2008dii waxaana aasaaasay dhalinyaradan hoos ku xusan:
1.muuse axmed ciise
2.c/majiid xuseen sugulle
3.siciid maxamed xuseen(qowdhan)
4.c/laahi axmed dayib
waxaa kaloo talada wax kulahaa
1.maxamuud axmed faarax dabacageeye
2.cali ismaaciil
3.yuusuf koosto
4.cabdilaahi jaamac geele

Saturday, March 6, 2010

kusoo dhowaada

waa gole cusub oo dhalinayarada dalka suudaan iska leedahay