Saturday, March 13, 2010

Dadkii ku xidhnaa jeelka laascaanood oo lagu ilaabay, iyo Cirro oo soo gaadhay magaalada

Dadkii ku xidhnaa jeelka laascaanood oo lagu ilaabay, iyo Cirro oo soo gaadhay magaalada
Saturday, March 13, 2010

Waxaa habeen hore soo gaadhay magaalada la haysto ee laascaanood ninka Riyaale u qaabilsan arimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cirro, ninkan oo ah ninka inta badan maxaabiista xaq darada ugu xidh xidhan jeelka laascaanood ay u xidhan yihiin ayaa ilaa shalay intii uu magaalada soo gaadhay waxaa laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ay ciidanka Booliisku wadaan, taas oo aalaaba la arko marka uu yimaado nin ka yimaada hargaysa oo wasiir sheeganaya marka uu soo gaadho magaalada la haysto ee laascaanood.
Cirro ayaa sidii caadada u ahayd marka uu yimaado laascaanood waxa uu gabaad ka dhigtay Hotel xamdi oo uu si aad ah isugu ilaasho, ciidamo badanna la dul dhoobo, iyada oo aan hotelka cid kale loo ogolaan inta uu daganyahay in ay la soo degto, si uu amnigiisa u sugo.
Maanta ayaa waxaa la filayaa in ay la kulmaan odayaasha qaar ka mida dadka aan waxba galabsan ee Jeelka laascaanood xaq darada loogu haysto.
Jeelka laascaanood ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa buux dhaafiyay shacab badan oo reer laascaanood ah oo aan waxba galabsa, si xaqdaro iyo xaaraan ahna loogu haysto kiisas aan jirin oo been abuur ah.
Maxaabiistan ayaad moodaa in la iska hilmaamo ka hadalkooda inta aanay gobolka ku sugnayn Saraakiisha Isaaq, kuwaas uun oo la sheego in ay ka go'do sii daynta maxaabiistan.
Xubanaha deegaanka u dhashay ee Xilalka ka haya Maamulka soomaali diidka ee Ina Riyaale ayaa iyagu ah kuwo maqaar saar ah oo aan wax tallo ahi ka go'in isla markaasna meesha u jooga uun mushaharaadka yar ee la siiyo.
Dadka Jeelka sida xaqdarada loogu haysto mudada dheer ayaa waxaa ka mid ah, Ex xildhibaan C/rashiid Faroole, Ganacsade Jaamac Jeego, Dhagawayne Aadan Siyaad, Axmed saleebaan, iyo dad kale oo tiro badan oo aan wax ay galabsadeen jirin.
horufadhi.com

No comments:

Post a Comment