Saturday, June 17, 2023

مجلة المجتمع

 مجلة المجتمع

Tuesday, March 14, 2023

Buug Difaacashada ardayda Dufcada 5aad ee Kulliyadda Qaanuunka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed


Published from Blogger Prime Android App
Waxaan u hambalyaynayaa Ardayda Dufcada 5aad ee kulliyadda Qaanuunka Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed oo Buugaagta Qalinjebta maanta Difaacday.

Day one Thesis Defenses Batch Five
 #SNU_LAW2023.




















Kulanka Madaxda SSC-Khaatumo iyo Ergo ka socota Golaha Amniga UN oo xaqiiqo raadis ah.

 Kulanka Madaxda SSC-Khaatumo iyo Ergo ka socota Golaha Amniga UN oo xaqiiqo raadis ah.

=======

Published from Blogger Prime Android App

Xubno ka mid ah madax dhaqameedka SSC-Khaatumo iyo Guddida-33 ayaa magaalada Garoowe kula kulmay guddi khubaro ah oo ka socda Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, kuwaas oo ku hawlan u kuurgalidda iyo xaqiiqo raadinta xaaladda Laascaanood iyo degaannada SSC-Khaatumo. 




Dhinaca SSC-Khaatumo waxaa ka qaybgalay Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed iyo afhayeenka Guddiga-33, Caaqil Cabdirisaaq Falaalug iyo xubno kale. 




Madaxda SSC-Khaatumo ayaa warbixin waafi ah ka siiyay xaaladda taagan iyo jariimooyinkii uu maamulka Somaliland degaanka ka geysanayay intii uu joogay ilaa laga soo gaadhay weerarka bahalnimada ah ee hadda socda. Waxaa kale oo ay gudbiyeen gal dhammaystiran oo taariikh mugweyn xambaarsan. 




Degaannada SSC-Khaatumo iyo shacabka Dhulbahante waxa ay halgan dheer la galeen gumeystihii, marna ma aysan aqoonsan joogitaankiisi iyo wax xuduud ah oo uu xarriiqay, waxa ayna mar kasta u taagnaayeen, welina u taagan yihiin, midnimada ummadda Soomaaliyeed, wax goonigoosad ahna raalli kama aha. 




Waxaa kale oo diiradda la saaray in ay Soomaalidu tahay beelo, maamulka Somalilandna ay beeli iskeed u samaysatay, beesha Dhulbahantana aysan aqbalayn in loo dawladeeyo ee waxa la wada leeyahay ay tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ah jiritaanka keli ah ee sharciyadda leh. 




Madaxda Qarammada Midoobay ka socotay waxay diiradda saareen sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta degaanka, waxayna sheegeen in ay xog dhammaystiran diyaarin doonaan Golaha Amniga iyo Xoghayaha Qarammada Midoobayna la wadaagi doonaan.