Bogaadin Taliyaha Asluubta Soomaaliyeed iyo u faa’idaynta
maxaabiista
Markaan akhriyay war uu cinwaankiisu
ahaa sidatan(Dhalinyarada ku xiran
Xabsiga Dhexe oo barta Farsamooyin kala duwan oo gacanta ah ) aad
baan ugu farxay waxaana ii cadaatay in cadaaladii soomaaliya ay tartiibtartiib
usoo noqonayso hadiiba la gartay in maxaabiista loola dhaqmo si fiican oo la
ilaaliyo xuquuqdooda.
Sida ay yaqaaniin xeeldheerayaasha cilmiga qaan
uunku ciqaabtu ma aha in qofka denbiilaha laga qariyo bulshada dhexdiisa uun oo
hadhow lasoo fasaxo markuu xukunka dhamaysto isaga oo aan waxba ka kororsan
xabsigii uu ku xirnaa ,oo haduu doono keeni karta inuu ku noqdo denbiyadii uu
samaynjiray ileen waxba ma kororsan qol uun buu xirnaayee laakiin taa badalkeed
hadii la wacyi-geliyo oo wax la baro sida uu sameeyey taliyuhu ugu yaraan
farsamada gacanta waxaa soo baxaya qof la qabsandoona bulshadii laga xiray waa
talaabo bogaadin iyo dhiirigelin mudan waxa uu taliyuhu sameeyey in Dhalinyarada Maxaabiista ee ku xiran Xabsiga Dhexe ee
Magaalada Muqdisho ay xilligaan yihiin kuwo
isbedel dareemaayo, kadib markii Taliyaha ciidamada Asluubta Somaliyed uu
Xabsiga Dhexe ka hirgeliyay horumaro kala duwan.
Xabsiga Dhexe ayaa loo sameeyay goobo Dhalinyarada ay wax ku
bartaan, hadii ay tahay dhanka Aqoonta iyo Farsamada Gacanta intaba.
Dhalinyarada qaar ayaa barta sida Dawaarka loo isticmaalo,
halka qaarkoodna ay bartaan Farsamada Al-waax Jeexida, si hadhoow marka ay
xabsiga ka baxaan noloshooda ay ugu maareeyaan.
Tani ayaa ka dambeysay, kadib markii Taliyaha ciidamada
Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac uu dadaal ku bixiyay sidii uu xabsiga
Dhexe uga hirgelin lahaa Isbedel ay ku farxaan Maxaabiista.
Xabsiga Dhexe ee Xamar oo isbedelkaan xilligaan la kulmay,
ayaa hadana waxaa xusid mudan inay jiraan Dhalinyaro badan oo Xabsiga ku xiran
oo aanan helin cadaaladii ay u baahnaayeen.